Somaliland oo Ganaax Culus dul-dhigtay Telefashinada Universal iyo STAR

Xukuumadda Somaliland ayaa Ganaax lacageed dhul-dhigtay laba Telefashin oo Xarumo waaweyn ku leh Caasimadda maamulkaas ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan la xiray.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in Universal TV lagu ganaaxay 15,000 oo dollar, halka Star TV oo laga leeyahay Somaliland lagu ganaaxay 5,000$.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa fartay  maamulada laba Telefashin in ay u diyaar garooban heshiis Cusub oo ay la gasho Wasaaradda Warfaafinta.

Somaliland ayaa dhawaan xirtay Xarunta Telefashinka Universal uu ku leeyahay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas iyo Star TV oo laga leeyahay Somaliland.

Hoos ka Akhriso Ganaaxa lagu riday Telrfashinada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media