Somaliland ayaa Saaka dil toogasho gasho ah ku fulisay lix ruux oo horay Maxkamadaha Somaliland ugu xukumeen dil toogasho.
Waxaaana saaka aroornimadii lagu toogtay degaanka Mandheere ee Gobolka Saaxil ee Somaliland.
Magacyada lixda ruux ee dilka lagu fuliyay.
1- Yaasiin Maxamed Yuusuf
2-Sharmaarke Sahal Oogle
3-Quulle Maxamed Cilmi
4-Khaalid Cabdi Xaydar
5-khadar Maxamed Warsame
6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.