Somaliland iyo dowladdo waa-weyn oo kala saxiixday heshiisyo

Dowladaha Ingiriiska, Denmark iyo Netherland ayaa Xukuumadda Somaliland la saxeexday heshiis lagu fulinayo afar mashruuc oo muhiim ah kuwaas oo qayb ka ah wajiga labaad ee Mashaariicda la doonayo in halkaas laga fuliyo.

Heshiiyada ay kala saxiixdeen Ingiriiska, Denmark, Netherland iyo Somaliland ayaa waxaa kamid ah mid lagu dhisanayo waddada isku xirta Magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Hoos ka Akhriso Heshiisyada ay kala saxiixdeen Somaliland iyo 3-da Dal.

1- Mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco.

2- Mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex.

3- Mashruuca balaarinta Biyaha Caasimadda Hargeysa ayaa ah mashruuca saddexaad.

4- Mashruuca Afraad ayaa ah dhismaha Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee Gobolka Sanaag.

Saddexda Safiir ee Waddamadan u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Somaliland, isla markaana la fulin doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media