Somalia: Tirada dadka u baahan Gargaarka oo siweyn u sare kacday

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka hadlay Arrimaha Bani’aadnnimada ee dalka dalka Soomaaliya, kadib markii uu khudbad ka jeediyay shirkii shalay ee Golaha Ammaanka QM.

James Swan ayaa sheegay in xaalad adeg oo dhinaca Bani’aadnnimada ay ka jirto dalka, isla markaana Tirada dadka u baahan gargaarka ay sare u kacday, iyada oo sanadkii hore aheyd 5.2 milyan halka sanakan 2021 ay tahay 5.9 miluam.

Cunta yarida ayuu sababta uga dhigay masiibooyinka cimilada iyo duullaankii ugu ba’aa ee uu Ayax kusoo qaaday tobaneeyadii sano ee u dambeeyey gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aad u kordheen dadka u baahan Gargaarka.

“Waxaan aad ugu mahadcelineynaa deeq bixiyeyaasha sanadkan 2020, baahiyaha bini’aadanimo wax ay sii ahaan doonaan ku sare waxaana markale taageero u dooneynaa Qorshaha Ka Jawaabidda Aririmaha Bani’aadannimo ee 2021 kaas loo codsaday $1.09 billion,” ayuu yiri Mr. Swan. Qoyska QM waxa ay wali sii wadaan kala shaqeynta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka xal waara u helidda masiibooyinka soo noq noqda.”

Sidoo kale Wakiilka ayaa sheegay in COVID-19 uu saameyn ku yeeshay xaalada bani’aadannimo ee dalka  “Nasiib darro, toddobaadyadii tegay waxaan aragnay kiisaska cusub ee COVID ee Soomaliya oo sare u kacay kaas oo uga sii dari doona xaaladda horeba u adkeyd ee bani’aadannimo,” ayuu yiri Mr.Swan.

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu hadalkiisiisa ku soo gunaanaday hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo uu ugu baaqay in ay dib uga joogaan gacan ka hadalka oo ay iska dhawraan halista ay leedahay kaartada ah.

Comments
Loading...