Somalia & Serbia oo is dhaafsanaya khuburo ka shaqeynaya Arrin muhiim u ah Dowladda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo Safar Shaqo ku joogo Dalka Serbia ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Rade Basta.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Inta kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku Ammaanay  Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka Maadaama Soomaaliya ay tahay Dal leh dhul beereed iyo Xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government).

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor