Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ ayaa soo saartay Warbixin Sannadeedka tirada Suxufiyiinta lagu xiray ama lagu dilay dalalka caalamka, waxayna sheegtay in 53 Saxafi lagu dilay caalamka oo dhan sannadkan.
CPJ oo xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxay xustay in sannadkan 2018-ka noqday sannadkii ugu xumaa Duxufiyiinta saddexdi sanno ee ugu dambaysay.
Warbixinta CPJ oo ku taariikheysnayd bishan December 19-da waxa lagu sheegay in 34 Saxafi loo beegsaday in lagu ciqaabo shaqada ay hayaan, iyadoo ugu yaraan 3 ka mid ah Suxufiyiinta ay la dilay sannadkan ay ahaayeen Haween.
Warbixinta CPJ waaxaa kaloo lagu sheegay in tirada dhimashada Suxufiyiinta ee sannadkan ay ku dhowr yihiin kuwo labo jeer ka badan tirade Suxufiyiinta ee la dilay sannadkii hore ee 2017-kii.
CPJ waxay xustay in Suxufiyiinta sannadkan la dilay ay yihiin kuwo toos loo dilay iyo kuwo ku geeriyooday Is-rasaasayn, xilli ay Warar soo teebinayeen.
Madaxa Hay’adda CPJ ugu qaabilsan dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya, Muthono Mumo waxa uu walaac ka muujiyey Xaalladda Bad-qabka Suxufiyiinta ka hawlgala dalkeenna Somalia, wuxuuna ku sababeeyey iyadoo ay Somalia heerka ugu sarreeya kaga jirto dalalka Suuxfiyiinta lagu ciqaabo, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu tilmaamay in hal Saxafi lagu dilay Somalia sannadkan.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ waxay diiwaan-gelinta dhamaan Suxufiyiinta lagu dilo dalalka Caalamka bilowday sannadkii 1992-kii.