Somalia oo noqotay Dowladii ugu horreysay ee go’aansaday in Safaaradooda ku taalla Caasimadda Yemen  loo wareejiyo Cadan.

Mas’uul u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Yemen ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda ay Dowladda Federalka Somalia ku go’aansatay inay Safaaradooda ku taallay magaalladda  Sanca u soo wareejiyaan magaalladda Cadan oo Caasimadda KMG u ah Dowladda Sharciga ee dalkaasi.

Mas’uulkaasi waxa uu ku booriyey Dowladaha Carabta iyo kuwa Shisheeyaha inay Safaaradahooda ku yaalla Sanca u soo wareejiyaan magaalladda Cadan oo Caasimad KMG u ah Dowladda Sharciga ee dalkaasi.

safaaradda-somalia-ee-yemenIlo ku dhow-dhow Dowladda Yemen ayaa soo dhaweysay Tallabadaasi, kuna tilmaamay mid lagu taageerayo Dowladda Sharciga ee Madaxweyne C/rabu Mansuur Hadi, kana turjumayo Xiriirka Walaaltinimo ee Somalia iyo Yemen.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Yemen ee SABA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inaan la ogeyn xilliga Safaaradda Somalia si rasmi ahaan loogu soo wareejinayo magaalladda Cadan.

Bilowgii sannadkan, dhowr Waddan oo ka tirsan Dowladaha Gacanka, gaar ahaan Sacuudiga, Qatar, Kuwait, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay Safaaradihii  ay ku lahaayeen magaalladda Sanca u wareejiyaan magaalladda Cadan.
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor