Somalia oo la Guddoonsiiyay lacag badan oo looga hortego Cudurka Coronavirus

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa maanta oo Isniin ah ka guddoomay jeeg ay ku qoran tahay 100,000 doolar Mudane Jamaal Axmed, oo sarkaal sare oo isku-xidhe ka ah Xafiiska IGAD ee Muqdisho, iyadoo kaalmadaasi lacageed ay tahay hindise iskuduubni oo ka timid shaqaalaha urur goboleedkaasi oo ay ku garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dagaalkeeda ka dhanka ah Karoonka feyrus oo loo soo gaabiyo magaciisa COVID-19.

IGAD waxa ay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta IGAD xanuunka Karoona feyrus iyo muujinta taageero garab-istaag  u ah wadamada gobolka, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha ururka si siman.

3 April, Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay labo xaaladood oo cusub oo ah bukaanno la dhiban xanuunka Karoona feyrus, taasi oo sare u qaaday tirada guud, gaarsiisayna 7 bukaan, iyadoo mid ka mid ah bukaannadaasi uu ka soo kabtay xanuunka, mana jiro wax dhimasho ah oo uu sababay cudurkani saf-marka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media