Somalia oo ka qeyb-geli doonta Shirweyne looga hadlayo dadkii Muslimiinta ee lagu dilay New Zealand

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay maanta in dowlaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC loogu baaqay inay isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah oo maalinta Jimcaha ka dhici doona dalka Turkiga.

Guddiga Fulinta ee Ururka Islaamka ee OIC ayaa la sheegay inay bishan March 22-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota , kaasi oo looga hadli doono Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay lala beegsaday Muslimiin ku tukanaysay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Shirkaasi oo heer Wasiir ah waxaa Somalia uga qeyb geli doona Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad

Dhinaca kale, 22 Dowladood oo xubno ka ah Ururka Islaamka ee OIC ayaa xaqiijiyey inay ka soo qeyb-galkooda Shirkaasi ka dhici doona Turkiga, kuwaasi oo  ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Qatar, Indonesia, Pakistan, Afganistan, Iiraan iyo Libiya.

Shirkaasi ooh al maalin socon doona waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Wakiilladda Khaaska ee Dowladaha Islaamka u jooga Ururka OIC iyo Danjirayaal ka kala socda dalal kala duwan.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Shirkaasi oo uu kaga hadlayo Weerarkii Argagixiso ee lagu dilay ugu yaraan 50 qof oo Muslimiin ah, kuwaasi oo Salaaddii JImcaha ku tukanaysay Masjidyadda Al-nuur iyo Linwood oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media