Wasiirka Awqaafka iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi” waxa uu Dowladda Moroko la saxiixday Heshiis ay Somalia khibrad kaga qaadanayso guusha ay Moroko ka gaartay Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha loogu yeero Xag-jirayaasha.
Wargeyska The North Afrika Post ayaa qoray inuu Wasiir C/qaadir Baqdaadi sheegay inuu Heshiiskaasi horseedi doono inay Somalia ka faa’ideystaan Khibradda Dowladda Moroko ee asaaska u ah Casriyeynta iyo Ka-hortga Cabsida Jihadistayaasha.
Dhinaca kale, Dalka Moroko waxaa laga dhisay Xarun lagu tababaray Boqolaal Iimaam oo ka kala yimidd dalal kala duwan, waxayna Xaruntaasi lagu baraa qaabka looga hortegayo Argagixisadda, Xag-jirayaasha Diinta.