Somalia iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis lagu xoojinayo Iskaashiga Waxbarashadda iyo inay Macallimiinta Masarida dib uga hawlgalaan Dusgiyadad Somalia

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dr Khadro Bashiir Cali oo maalmahan boqoasho hawleed ku joogtay magaalladda Qaahira waxay Kulan la qaadatay Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta ee dalka Masar, Maxab Al-rufaaci.

Labada Wasiir waxay ka wada hadleen Xiriirka labada Waddan iyo Xoojinta Adeegyadda Waxbarashadda ee Dugsiyadda dalka Somalia iyo inay Macallimiinta Masaarida dib u bilaabaan Shaqooyinka Waxbarasho ee ay ka fulin jirey Goballadda dalka Somalia.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashadda iyo Barbaarinta ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Wasiir wada saxiixdeen Heshiis Borotokool, si loo horumarinayo Waxbarashadda Somalia, gaar ahaan Horumarinta Manaahijta Waxbarashadda Somalia,
Taageeradda Farsamo ee Majalaadka Teknoolajiyadda Cilmiga iyo Tababarka Ciyaaraha, Fanka iyo Masraxiyadda Dugsiyadda.

Labada Wasiir waxay kaloo isku af-garteen inay Dowladda Somalia ku wareejiyaan Macallimiinta Masar Xaruumaha Waxbarasho e
e ku yaalla guud ahaan dalka Somalia, oo ay Macallimiinta Ergadda Masar ay ka hawl geli jireen.

Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay in la yegleeli doono Raabidada u gaar ah Ardayda Soomaalida eek a baxay Jaamacadaha iyo Dusgiyadda ku yaalla dalka Masar iyo in sannad kasta Xafladahooda ku qabsadaan hadba degmo ka tirsan Somalia.

Iskaashiga Dowladaha Maar iyo Somalia ayaa sii xogeysanayo, iyadoo uu Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsiisii horey u ballan qaaday inay garab istaagi doonaan Walaalahooda Soomaaliyeed ee ka soo kabanayo Colaadaha sokeeye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor