Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka wadanka Ciraaq ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Ciraaq Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi.
Kulanka dhexmaray Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka wadanka Ciraaq ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Ciraaq gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada labada wadan.
Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Kuxigeenkii Hore ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan.