Khaalid Aadam C/qaadir ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Maraykanka, kadib, markii uu barta Twitterka dhigay Farriin uu ugu hanjabayo Dembi-baarista Boliska Federalka ee FBI-da.
Khaalid Aadam C/qaadir oo 19-jir ah ayaa la sheegay inuu Farriintaasi soo dhigay maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, kadib, markii la xiray saaxiibkiisa, Abdirizak Mohamed Warsame oo 20-jir ah, kuna eedeysan inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.
Khaalid Aadam C/qaadir ayaa lagu soo oogay inuu barta Twitterkiisa ku soo qoray “Kill them FBI†oo la micno ah “Dila iyaga, FBI-DA†iyo “I’m kill them†oo la micno ah “Aniga waa dilayaa iyagaâ€.
Inkastoo Farriintiisa Khamiistii laga masaxay Twitterka, haddana Maxkamadda waxaa loo soo gudbiyey nuqul ka mid ah Qoraalka laga soo minguuriyey Twitterkiisa.
Garsoorad Becky Thorson ayaa amartay in Khaalid Aadam C/qaadir lagu sii hayo xabsiga damiin la’aan ilaa maalinta Arbacadda ee soo socota.
Khaalid Aadam C/qaadir ayaa la sheegay inay muddo ilaalo ku hayeen Dembi-baarista FBI-da, waxaana Maxkamadda la tusiyey Farriimo Twitter ah oo uu Khaalid Aadam C/qaadir kula xiriiray nin kale oo Somali-Maraykan ah, oo lagu magacaabo Mohamed Abdillahi Hassan “Miskiâ€, kaasi oo haatan gacanta ugu jira Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia ee NISA.
Mid ka mid ah Farriimahaasi ay is-dhaafsadeen ayuu Khaalid Aadam C/qaadir ku sheegay inuu danaynayo inuuu socdaalo dalka Syria, kuna biiro Kooxda Daacish.
© Radio Dalsan      Â