HomeWararSiyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo walaac ka muujiyay faragelin uu wado Farmaajo 

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo walaac ka muujiyay faragelin uu wado Farmaajo 

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Prego unveils dining-table recording device, raising privacy concerns

The company says the product uses advanced audio processing to distinguish between multiple speakers, allowing users to store and revisit conversations from social gatherings and private meetings. Marketed as a way to preserve personal memories, the device is designed to blend into dining spaces and operate unobtrusively.

Somalia PM Hamza Lays Foundation Stone for National Curriculum Center, Warns Against Occupying Public Land

“A quality curriculum is the foundation of education. This center will serve as a hub for shaping the knowledge and intellectual growth of our children,” he stated.

Ministry of Religious Affairs the Only Institution Unaffected by First Phase of Role Separation Reform

In contrast, the Ministry of Religious Affairs appears structurally insulated from the reform. Since none of its senior officials hold dual roles, its operations and leadership are expected to continue without interruption or the need for resignations or restructuring.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa walaac ka muujinaya faragelinta qaawan ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku hayo dib u habeynta iyo magacaabista guud ahaan guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa u xilsaaran doorashada kuraasta Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta ayaa lagu sheegay inay u caddaatay in Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah u soo farageliyay howshii Guddiga Xukuumadda u xilsaartay kala saarida xubnaha Guddiyada doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

Golaha ayaa Farmaajo ku eedeeyay in Guddiga Wasiirada uu ku amray inay dib u soo celiyaan xubno shaqaale dowladeed oo horey looga saaray Liiska Guddiga doorashada Somaliland, iyagoona xusay inuu kamid yahay Khadar Xariir Xuseen.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dadaal weyn ugu jiro inuu gacantiisa kusoo qorto 5-tii xubnood oo aheyd in Xukuumadda xilgaarssinta kusoo darto Guddiyada doorashada iyo Guddiyada xalinta khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ugu baaqeen inuu joojiyo faragelinta uu Madaxweyne Farmaajo ku haayo dib u habeynta iyo magacaabista xubnaha kamid noqonaya Guddiyada doorashada ee Somaliland.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories