Siyaasiga C/llaahi Goodax Barre ee u ololeyn jirey Maamulka Hiiraan State oo u soo gudbay xubnaha HirShabelle ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ah Siyaasi si xooggan u mucaaradsan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana u ololayey Maamulka Hiiraan State ee tisqaadi waayey ayaa maanta ka qeyb galay Doorashadda Xubnaha Maamulka HirShabelle ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

C/llaahi Goodax waxa Kursiga Jufadiisa kula tartamaysay 4 Musharax, iyadoo ay Wareegii Koowaad ku hareen 2 Musharax.

Wareega Labaad waxaa isku soo haray C/llaahi Goodax iyo Bile Iidle Sabriye, iyadoo uu Goodax helay 34 cod, halka Bile Iidle helay 17 cod.


mina-xasan-shibisDhinaca kale, Laba Haween ayaa ku tartamay Kursiga Qoondada Haweenka ee Jufooyinka Mataan Cabdulle iyo Celi Cumar, kuwaasi oo kala ah Bakiin Maaxi Macallim iyo Mina Xasan Shibis.

Tartankaasi oo xamaasad gaar lahaa waxaa ku soo baxday Mina Xasan Shibis oo heshay 27-cod, halka Bakiin Maaxi ka heshay 24-cod.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor