• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Sirdoonka Israel iyo Uganda oo gacanta ku dhigay Nin Ganacsade ahaa

Bilan Media by Bilan Media
July 23, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Koox ka socotay Sirdoonka labadaasi waddan waxay bishan July 7-dii  qaadeen Hawlgal wadajir ah, kaasi oo ay ku qabteen Muwaadin u dhashay dalka Lubnaan oo xilligaasi ka soo degay  Garoonka Diyaraadaha Caalamiga ee Entebbe ee dalka Uganda.

Faahfaahinta Hawlgalkaasi  iyo qabashadda ninkaasi ayaa wax yar laga ogaa, balse, Shabakadda Wararka ee Kampala Post ayaa sheegtay inay heleen warar Sirdoon oo laga argagaxo, iyadoo ay markii ugu horreysay Hay’addaha Ammaanka ogaadeen qorshe Argagixiso.

Muwaadinka Lubnaan ee haatan baaritaanka lagu hayo ayaa waxaa markii ugu horreysay la shaaciyey in lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Yaasine, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ahaa Sirdoon ka tirsan Ururka Xisbullaahi Lubnaan,

Ninkaasi waxaa uu ku noolaa, kana shaqeysanayey dalka Uganda tan iyo sannadkii 2010-kii.

Xubno ka socday Sidoonka Gudaha Israel ee MOSSAD ayaana la sheegay inay Ninkaasi kala soo degeen Diyaarad duullimaadkeedu ahaa dalka Lubnaan, balse ku sii hakan lahayd Garoonka magaalladda Addis Abeba ee dalka Ethiopia.

Qabashadiisa ayaana ku soo beegantay saacado kadib, markii uu dib ugu soo laabtay Garoonka Entebbe, isagoo ka yimid caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam.

Qabashadda Muwaadinka Lubnaan ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen Sirdoonka Uganda, CIA-da Maraykanka iyo MOSSAD-ka Israel, waxaana la tilmaamaay inay muddo dhowr bilood ah ku raad-joogeen Ninkaasi lala xiriirinayo Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Ilo-wareed ayaa sheegaya inay Dowladaha Maraykanka iyo Isreal ka dalbadeen Dowladda Uganda in si degdeg ah loogu soo oogo dacwad, balse, ma kala cadda inay Maamulayaasha Uganda go’aansan doonaan inay dacwad ku soo oogaan Ninkaasi oo haatan ku jira gacanta Hay’addaha Ammaanka Uganda.

Sida laga soo xigtay ilo sirdoonka Uganda oo la hadlay Shabakadda Wararka Kampala Post ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud Yaasine ka tirsan yahay Ururka Xisbullaahi, isla markaana uu tilmaamay in isaga iyo xubno kale loo soo diray inay so oogaadaan bar-tilmaameedyadda ay Maraykanka iyo Israel ku leeyihiin gudaha dalka Uganda iyo dalalka Gobalka, waa sida ay qortay Kampala Post.

 

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya inuu Xuseen Maxamuud Yaasine laga soo xigtay in ugu yaraan 100 Muwaadiin Lubnaaniyiin ah oo ku nool gudaha dalka Uganda oo ay suurto-gal tahay inay u shaqeeyaan Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Qaar ka mid ah dadka uu far-muuqay ayaa waxay ka shaqeeyaan Shirkadda bixisa Adeegga Isgaarsiinta Uganda ee lagu magacaabo Africell.

Dhinaca kale, Qunsulliyadda uu dalka Lubnaan ku leeyahay dalka Uganda waxay qoraal Diplomaasiyadeed u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Uganda, maalmo kadib markii Muwaadinka u dhashay dalka Lubnaan lagu xiray dalkaasi.

Qunsulliyadda waxay ka ashtakootay xarigga Muwaadinkooda, waxayna ka digtay inuu falkaasi saamayn ku yeelan doono dadka Reer Lubnaan ee ku nool dalkaasi inaysan ku dhiiran kariin inay maalgashi ka samaystaan gudaha dalka Uganda.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Xisbullaahi ayaa ah Urur hubeysan oo ka dhisan dalka Lubnaan oo isbahaysi la ah dalka Iiraan, waxayna marar badan Ciiddanka Israel dagaal kula galeen dhulka xuduudka ee ay labada dal wadaagaan.

Previous Post

Dowladda Somalia oo ka hadashay Qaraxii lagu Eedeeyay Qatar ee ka dhacay Boosaaso

Next Post

Akhriso:-War-murtiyeed laga soo saaray Madasha Wadatashiga Hannaanka Qaran

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party
English News

Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party

May 15, 2025
Next Post

Akhriso:-War-murtiyeed laga soo saaray Madasha Wadatashiga Hannaanka Qaran

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00