• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, July 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sidee Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda loogu adeegsanayaa Ololaha Doorashadda ee Murashixiinta Madaxweynaha ?

Bilan Media by Bilan Media
February 7, 2017
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Baarayaasha Radio Dalsan waxay dhawaanahan indhaha ku hayeen Dhaqdhaqaaqyadda Shanta Madaxweyne Dowlad-gobaleed ee xiriirka ay la leeyihiin Murashixiinta Madaxweynbaha.

Joogitaankooda Muqdisho ayaa u muuqda inuu hal sabab leeyahay, taasi oo ah inay qeyb ka ahadaan dhaqdhaqaaqa Ololaha Murashixiintaasi.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa la filayey inuu maanta  (Talaado)  yimaado Muqdisho, balse Ilo-wareed ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Shaqsiyaadka u qaabilsan (Protocol)-ka mar hore soo gaareen magaalladda Muqdisho, lana kulmeen Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe waxay wadaagaan dan mideysan, waxayna xiriir lahaayeen tan iyo xilligii Maxkamadaha Islaamka.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Axaddii la soo dhaafay yimid Muqdisho, waxayna ilo ku dhow sheegayaan inuu taageerayo Murashaxnimada Madaxweyne ee Cumar C/rashiid.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweyne Gaas dhaqaale ku  taageerayo Ololaha Cumar C/rashiid , oo isagana horey Gaas ugu taageeray markii uu u tartamayey Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la soo weriyey inuu taageerayo Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib, markii ay Dowladda Ethiopia dhexdhexaadisay.

Go’aanka uu Shariif Xasan ku taageerayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa timid, kadib, markii uu Shariifka  farsamo ahaan xayiraad kala kulmay Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5.

Heshiis qarsoodi ah oo labadooda dhex maray waxaa la arki doona waxa uu Shariif Xasan ka yiraahdo in Ra’isul-wasaaraha laga soo xulo Jubbaland iyo Puntland iyo in Ku-xigeenka Duqa Muqdisho laga dhigo nin ka soo jeeda Maamulka K/galbeed.

Waxa  kale oo uu Madaxweyne Shariif Xasan wajahayaa in isaga loo qaado Codka Kalsoonida ee ay wadaan Xildhibaanadda  isaga ku eedeynaya inuu ku fashilmay Talada uu hayo ee Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.

C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug  waxa uu muddo dheer jaal la ah Madaxweynaha haatan ee DFS, Xasan Sheekh  Maxamuud.

Labadooda waxay ka yimaadeen isku Xisbi Siyaasadeed, waxaana la sheegaa inuu Madaxweyne Xasan gacan ku lahaa sidii Guuleed ugu guuleysan lahaa Madaxweynaha Galmudug, kadib, markii uu iska casilay Xilkii Wasiirnimo ee Xukuumadda Federalka, isagoo Xildhibaanadda kala kulmay cadaadis daran.

Haatan. Waxa uu haystaa 36 Xildhibaan oo ka yimid Galmudug, inkastoo uu mucaarado xooggan kala kulmayo Cadaado.

Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug waxay ku sii kordhaya walaaca xooggan ee ay ka qabaan  doorka C/kariim Xuseen Guuleed ee Ololaha  Xasan Sheekh iyo inuu ku bixinayo Kharajkii loogu talagalay Horumarinta Galmudug.

Waxa uu ku naaloonayaa Taageeradda uu ka haysto Xasan Sheekh marka ay timaado Codka Kalsoonida.

C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu sheegaa inuu yahay ninka maamula Dhaqaalaha Ololaha Doorashadda ee  Xasan Sheekh.

Madaxweynaha  Maamulka curdanka ee Hirshabelle, Cali C/llaahi Cosoble  waxa uu Sheekh iyo Cumar C/rashiid ka helay taageero markii uu u tartamayey inuu noqdo Madaxweynaha HirShabelle.

Cali C/llaahi Cosoble waxa uu sheegaa inuu taageersan yahay Xasan Sheekh, balse waxa uu si qarsoodi ah u taageeraa Cumar C/rashiid, sida ay sheegen ilo isaga aad ugu dhow.

Waxaa la sheegay inuu Heshiisyo kala duwan la galay Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid, iyadoo Murashax kasta rajeynayo Taageeradiisa.

Afarta Murashax ee ugu sarreysa Murashixiinta Madaxweynaha ayaa kala ah: Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Murashax Farmaajo ayaa loo arkaa inuu yahay Murashaxa keliya ee ugu sareeya oo aan wax taageero ah ka helin mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad-gobaledyadda.

©Radio Dalsan

 

 

Previous Post

{Dhageyso]:- R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo kormeeray ciidamada sugaya amniga xarunta doorashada madaxweynaha.

Next Post

AU-da oo codsatay in AMISOM lagu maalgeliyo Qalab Cusub oo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika
Warar

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

July 10, 2025
Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
Next Post

AU-da oo codsatay in AMISOM lagu maalgeliyo Qalab Cusub oo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

by Liban
July 11, 2025
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdisalam Abdi Ali, met with Nigerian Foreign Minister Ambassador Yusuf Maitama Tuggar...

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

by Liban
July 11, 2025
0

Mudug, Somalia – The Vice President of Galmudug State, Mr. Ali Dahir Eid, held a high-level meeting with the Turkish...

Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award

Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award

by Liban
July 11, 2025
0

Premier Bank Somalia has been named Africa’s top banking brand at the 15th African Business Leadership Awards — a major...

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

by Liban
July 10, 2025
0

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka howlaha horumarinta iyo gargaarka ee Hormuud Telecom iyo Salaam Soomaali Bank ayaa maanta...

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit
English News

Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure
English News

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award
English News

Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award

July 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika
Warar

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hormuud Salaam Foundation Wins Prestigious Social Impact Award at London Summit
English News

Hormuud Salaam Foundation Wins Prestigious Social Impact Award at London Summit

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development
English News

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia and Nigeria Strengthen Bilateral Ties in Key Diplomatic Meeting at AU Summit
  • Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Discuss Improving Economic Infrastructure
  • Premier Bank Somalia Wins African Banking Excellence Award
  • Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00