Sidee 27 June looga debbaal degay dalka Jabbuuti?

Maanta waxaa dalka Jabuuti looga dabbaal dagayaa sanad guurada 45-aad ee ka soo wareegtay maalinta uu dalkaasi xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska.

Inta ay socota munaasabadda xuska maalinta xorriyadda waxaa xarigga laga jaray taallo looga tala galay halgamayaashi naftooda ku waayey halganki gobonnimo doonka.

Munaasabadda dabaaldegga waxaa lagu soo bandhigay hub badan iyo gawaarida gaashaaman ee dagaalka, waxaana la arkayay ciidamo kala duwan oo gaada ka ciyaar ku maraya halkii ay xafladda ka socotay iyadoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu salan sharaf ka qaatay ciidamada, sida uu baahiyay teleefishinka iyo raadiyaha dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor