Siciid Deni oo magacaabay La Taliyaha Axmed Karaash

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka  Puntland.

Hoos ka akhriso Magacaabista.

Madaxweynaha Puntalnd:

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor