Siciid Deni “la isagama hari doono hadalkii kasoo yeeray Wasiir Dubbe”

Madaxweynaha  Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa cambaareeyay hadalkii dhowaan kasoo yeeray wasiirka warfaanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe.

Siciid Cabdulaahi Deni sheegay in nasiib darro weyn uu yahay hadalka kasoo yeeray Duube, kaasi oo lagu tilmaamay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay yihiin “Jid iyo Jiha-diid”.

Deni waxaa uu sheegay  in aan la isaga hari doonin hadalkii wasiir dubbe  balse ma xusin talaabada ay qaadayaan.

Hadalka kasoo yeeray Siciid  Cabdullaahi Deni  ayaa imaanaya iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland lagu eedeyay fashilkii ku yimid Shirkii Afisyooni, waxaana wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya uu ku tilmaamay in ay yihiin Deni iyo Axmed madoobe Jid iyo jahadiid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor