Shuruudo lagu xiray dadka xilalka ka qabtay DFS ee ku laabanaya Somaliland oo la shaaciyay

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweye Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadashay Cafis ay u fidiyeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shalay gaaray Magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Mas’uulkii kasoo jeeda deegaanadooda ee xil ka qabta dowladda Federaalka Soomaaliya la cafin karo oo kaliya markii uu iska casilo xilka uu haayay DFS, kuna dhawaaqo inuu ka tasaasulay fikirka midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Somaliland ayaa shuruudo ku xirtay Mas’uuliyiinta xilalka ka qabta ee tega deegaanadeeda, iyagoona sheegay in Mas’uulka laga cafin karo markii si cad uga baxo fikir ah midnimada Soomaaliya, isla markaana sheego in mar kale uusan ku laaban dooni tallaabadaas.

Waxaa kaloo Somaliland sheegtay in dadka kasoo jeeda deegaanadooda u siman yihiin Dastuurka u yaalla, isla markaana aysan ka jeesan dad ay ku sheegeen in Maamulkooda ay ku hayaan dhagar-jebin.

Si kastaba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaabil oo shalay gaaray Magaalada Hargeysa, isagoona halkaas u tegay aabihiis oo xanuunsan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media