Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Somalia oo ka furmi doona Belgium-ka

Wasiiro Arrimo-dibadeeyo ka kala socda Dowladaha daneeya Arrimaha Somalia iyo Saraakiil ka kala socda Beseha Caalamka iyo Ururradda Caalamiga ayaa ka qeyb galayo Shirkaasi oo bishan 26-da ka furmi doona Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Shirkaasi waxaa diiradda lagu saari doonaa Xaqijinta Ballanqaadka Dadaalka Caalamiga ee lagu taageerayo  Deganaanshaha iyo Horumarinta Somalia iyo sidii ay DFS u qaadi lahayd Tallaabooyinka soo socda ee Ajendaha Isbedelka iyo in laga xaajoodo  Arrimaha Dhaqaalaha, Siyaasadda ee xiriirrka la leh Xaalladda Somalia.

Dhinaca kale, Dowladda Masar ayaa sheegtay inay Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda uga qeyb geli doonaan Shirka Brussels, sida lagu soo daabacay Wargeyska Akhbaarel-Yoom ee ka soo baxa Qaahira

Si kastaba ha ahaatee, Shirkaasi bishan 26-da ka furmayo Caasimadda dalka Belgium ee Brussels waxa uu qeyb ka yahay Shirka Iskaashiga Caalamiga ee Arrimaha Somalia ee ay isku soo duwaan QM, Midowga Europe iyo Midowga Afrika ee looga hadlo Deganaanshaha iyo Horumarka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor