Shirweynaha Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo Maanta Baydhabo ka furmaya

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shir sanadeedka ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaasha dowlad Goboleedyada dalka  sida Jubbaland,Hirshabeelle,Puntland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed,kaasi oo socon doona Muddo Seddax maalmood.

Sidoo kale inta uu shirka socda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed iyo Xeer Ilaaliyah Guud ee qaranka Dr.Axmed Cali Daahir.

shir sanadeedka ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadli doonaa Ilaalinta Shaciyada iyi Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta iyo sidii ay wadashaqeyn u leeyan lahaayeen Xafiisyada Xeer Ilaaliyeyaasha dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media