Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in Magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya uu sirasmi ah uga furmo Shirweynaha Teknolojiyada.
Shirkaas ayaa waxa uu soon doona 23-ka ilaa 25-ka Bishaan Oktoobar Sanadkan 2018,waxan ka qeyb galaya qaar ka mid ah Shirkadaha ku Shaqeeya Arrimaha Shirweynaha Teknolojiyada.
Waxaa shirkaasi la isku-dhaafsan doonaa arrimo badan oo ku saabsan Shirweynaha Teknolojiyada,iyada oo la filayo in uu Goobjoog ka noqdo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Cabdi Canshuur Xasan.
Shalay oo Isniin aheyd ayaa waxaa Magalada Muqdisho lagu soo xiray hirweynaha 3aad ee Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada (Somali Network Operators Group – SomNOG).