Shirweynaha Qaran ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  ayaa maanta daah furay Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socon doona ilaa 15-ka Bishaan.

Shirweynahaan oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra”iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka iyo inkabadan 300-boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha daka iyo dibadiisa.

Shirkaan oo si gaar ah dhinacyada ka qeyb galaya ay diirada saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG ah ayaa sida qorshuhu uu yahay socon doona 13-ka ilaa 15-ka bishaan May.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media