Shirweynaha Garsoorka Dalka oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka, kaasi oo sanadkii xiligaan oo kale la qabto.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiiro, Xildhibaano, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Culimaa’udiin iyo Wakiillo ka socda Maxkamadaha Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Inta uu socdo shirweynaha Maanta furmaya ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo badan oo la xiriira dhanka Garsoorka dalka, Cadaadalada iyo qodobo kale oo Madaxda u qorsheysan.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Khudbado ay jeedin doona Masuuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa, waxaana Shirkaas la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sanadkii tegay ee 2019 xili uu soo xiray Shirka Garsoorka dalka ayaa waxaa garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media