Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho

Shirkan oo ay ay ka qeyb galayaan dhallinyaro  Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa looga hadlaa caqabadaha iyo Horumarka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqtigan wajahaya daruufo kala gedisan kuwaasi oo isagu jira dhinaca Nolosha, Waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa.

Xalay ayay ahayd markii ay Khadiijo Maxamed Diiriye  Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo casho sharaf ah taasoo lagu soo dhoweeynayay dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynahan oo cadeyn u ah kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan arrimaha siyaasadda, maadaama ay yihin laf-dhabarka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka oo halkaasi Kalmado dardaaran iyo bogaadin u jeedin doona dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynaha sanadkan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media