Shirweynaha 27aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladdaha Carabta oo ka furmay caasimadda dalka Muratania ee Nawakshoot.

Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay maanta ku kulansan yihiin Caasimadda dalka  Murutania ee Nakawshood, wuxuuna Shirkaasi socon doona muddo labo maalmood ah.

Hoggaamiyayaasha waxay Kulankooda kaga hadli doonaan Ajendayaal ay ugu muhiimsan yihiin Qaddiyaddaha Somalia, Libya, Falastiin, Syria, Iraq iyo Jesiiradaha ay Iiraan ka haystaan dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galayo Shirweynaha Madaxda Carabta ee maanta ka furmay dalka Murutania.

Hoggaamiyayaasha Carabta waxay ku baaqi doonaan Taageero Degdeg ah oo la siinayo Dowladda Federalka Somalia ee dhinacyadda Dib-u-dhiska, Xoojinta Hay’addaha  Amniga, Ciiddamadda iyo kuwa Dowladda iyo inay QM ka qaadaan xayiraadda hubka.

Waxaa kale oo uu War Murtiyeedka Madaxda Dowladaha Carabta, ugu baaqi doonaa Golaha Ammaanka ee QM in la qaado Xayiraadda Hubka ee weli saaran Somalia, si ay Dowladda guul uga gaarto Sugidda Ammaanka iyo Dagaalka Alshabaab.

Madaxda Carabta, waxay kaloo ku baaqi doonaan in Somalia laga cafiyo Daymaha Lacageed ee lagu leeyahay, si loo dhiiri geliyo Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media