Shirkii Muqdisho oo laga soo saaray War-murtiyeed

Madaxda Dowladaha Soomaaliya Kenya, itoobiya iyo Jabuuti ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxana shirkaasi guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka akdib ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaaafdeed ka kooban ilaa iyo 15 qodob oo ay isku raaceen madaxii manta ku shiray Magaalada muqdisho,kaasi oo ay yeesheen madaxda dalalka Safka hore ee Jabuuti, Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya.

Qodobada kasoo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah uguna muhiimsan qodobbo ay ka mid yihiin:

-In horumar la taaban karo ee Soomaaliya ka gaartay Gobollo badan oo ay Ciidanka Soomaaliya iyo ATMIS kala wareegeen Alshabaab.

-Waxaa la soo dhaweeyey codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda ciidamada.

-Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor