Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaaanahan Muqdisho ka socday ayaa laga soo saaray War-Murtiyeed dhinacyo badan taaabanaya, iyadoo shirka ay ka maqan yihiin Deni iyo Ahmed Madoobe.
Qodobada ugu muhiimsan shirka ee Xubnaha ay isku raaceen ayaa waxaa ka mid ahaa xiliga la qabanayo iyo qaabka loo qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca.
Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la isku raacay in la qabto doorashada dowladaha hoose June 2025.
Sidoo kale doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada la qabto September 2025.
Shirka oo dhawaanahaan Muqdisho kaga socday qaab goos goos ah ayaa waxaa horay isaga baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, horayna waxaa kaga maqnaa Madaxweynaah Puntland Saciid Deni.