Shirkado Diyaaradeed oo hakiyey duullimaadyadii magaalladda Qaahira.

Shirkadaha Diyaaradaha ee British Airways, Luftansa iyo Air France waxay shalay bilaabeen inay hakiyaan duullimaadyadii ay ku tegi jireen magaalladda  Qaahira.

Shirkadda Diyaraadaha Britain ee British Airways ayaa ku dhawaaqday inay muddo 7  maalmood ah joojinayaan Duullimaadyadii ay ku tegi jireen caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain ayaa sheegay inay jiraan wax uu ugu yeeray Khatar Sare oo dhanka Argagixisadda oo ka jirta Masar, wuxuuna Xafiiska talo dhanka safarka ah siiyey Muwaadiniinta British-ka ee ku sii jeeda Masar.

Go’aanka ay shirkadda Diyaaradaha ee British Airway ku dhawaaqday waxa uu dhaqan-gal shalay oo Sabti ahayd, iyadoo ay boqolaal rakaab oo goostay Tikidhada Shirkadda ku xiran yihiin Garoomadda Qaahira iyo London, iyadoo Rakaabka cabasho ka muujiyeen go’aankaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media