Shirkaddaha Diyaaradaha oo laba sabab dartood u joojiyey Duulimaadyadii gudaha dalka

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay dhammaan Madaxda Shirkaddaha diyaaradaha ee Gobolada dalka aada, kaasi oo looga hadlay caqabado kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah Garoomada diyaaradaha ku yaalla dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Ururka diyaaradaha (AOQ) ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo maalinta berri oo Axad ah ay joojinayaan dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha ee Gobolada dalka, iyagoona ka hadlay sababaha jira.

Guddiga ayaa sheegay in kalsooni darro amni ay ka jirto Garoomada diyaaradaha gudaha dalka, waxaana Hay’adda duulista Rayidka ku eedeeyeen in aysan u muuqan mid u heelan badqabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran intaba.

Qoraalka ay soo saareen Guddiga ayaa lagu caddeeyay inay joojinayaan dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha ee Gobolada dalka illaa iyo inta laga xalinayo caqabada ka taagan badqabka diyaaradaha iyo dadka rakaabka ah ee saaran diyaaradaha.

Madaxda Garoomada diyaaradaha gudaha dalka ayey Guddiga la socodsiiyeen arrinta jirta, waxaana Qoraalka sidoo kale la Ogeysiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka iyo Maareeyaha hay’addaha duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Hoos ka Akhriso Qoraalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor