Shirkadda DP World oo sheegtay inay Maalgelisay Hawlaha Dekedda Berbera

Shabakadda ka faalloota Arrimaha Ganacsiga ee  arabianbusiness.com ayaa qortay inay Shirkadda DP World ay 12 million oo Dollar ku maalgelisay sidii loo hagaajin lahaa Hawlaha Dekedda magaalladda Berbera.

Shirkadda DP World oo uu fadhigeeda dhexe ku yaallo magalladda Dubai ee dalka Imaaraadka ayaa sheegtay inay 3 Wiishash cusub ku soo kordhiyeen Hawlaha Dejinta iyo Rarista  Xamuulka ee ka soo dega Dekedda Berbera, isla markaana ay awood u leeyihiin inay taageero ka geystaan xeebta dhinaceeda.

Guddoomiyaha Fulinta, ahna Agaasimaha Maamulka ee Shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika, Suhayl Al-banna ayaa sheegay  in Wiishashkaasi muhiim u yihiin horumarinta hawlaha Dekedda Berbera.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Maalgashiga Wiishashka cusub tahay tallaabadii ugu dambaysay ee qorshaha lagu hagaajinayo Dekedda Berbera.

Tan iyo sannadkii 2017-kii, Shirkadda DP World waxay keentay qalabka lagu qaado Kontaynarada, Gaadiidka iyo Nidaamyadda lagu casriyeynayo Dekedda taariikhiga ee Berbera.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media