Shirkadda Africa Energy Cooperation oo shaacisay inay joojiyeen Shidaalkii ay ka baarayeen Puntland

Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Africa Energy Cooperation, James Phillips ayaa shaaca ka qaaday inay Maamulka Puntland ka heleen Ogeysiis ay ugu baaqeen inay gebi ahaan joojiyaan Hawlihii Shidaal-baarista ee ay Puntland ka wadeen.

War Saxaafadeed uu soo saaray James  Phillips ayaa waxa uu ku muujiyey inay Maamulka Puntland u muujiyeen dareenkooda ku aadan inay isaga baxayaan Heshiis-wadaagii  ay Shirkadda Africa Energy shidaalka kaga baaraysay labada deegaan Dooxadda Daroor iyo  Nugaal.

Shirkadda Africa Energy Cooperation oo laga leeyahay dalka Kanada ayaa waxay bishii January ee sannadkii 2007-dii hawl shidaal-baaris ah ka bilowday gudaha Deegaanadda hoos taga Maamulka Puntland, kadib, markii ay Heshiis Saami-qeybsi kala saxiixdeen Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole.

Dhinaca kale, Qoraal ay Wakaalladda Batroolka iyo Macdanta ee Puntland dhawaan u direen Madaxda Shirkadda Africa Energy Cooperation ayaa waxay ku sheegeen in Heshiiskaasi loo joojiyey sababo la xiriira Xiisadda Siyaasadeed ee Somalia, gaar ahaan muranka Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Puntland ee sharci ahaanshaha Heshiisyadda ay Maamulka Puntland la galaan Shirkaddaha Calaamiga.

Shirkadda Africa Energy Cooperation oo laga leeyahay dalka Kanada ayaa ah Shirkad ka shaqeeysa baaritaanadda iyo wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor