Shirka Wasiirada Maaliyadda DF iyo M/Goboleedyada oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Waxaa Maanta oo talaado ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo Shirka Wasiirada Wasaaraddaha Maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka, kaasi oo shalay ka furmay Caasimadda dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ay dib u habeyn ugu sameeyn lahaayeen dhaqaalaha, dar-dargalinta horumarinta Maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo maamulada.

Inta uu socdo shirka Maanta ayaa waxaa ay Wasiirada ka qeyb galaya ay dood adeg ka yeelan doonaan arrimo kale oo ku aadan dib u habeynta hannaanka Maaliyeed ee dalka, waxaana shirka soo xiri doona Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay isku raacsan yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Cilmi Maxamuud iyo kuwa maamulada sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleeyada ayaa toddobaadkii hore sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka, iyada oo ku eedeeyay wasiirka maaliyadda inuu ka baxday heshiisyo wadashaqeyn ah oo ay la galeen maamulkii isaga ka horreyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor