Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda caasimadda Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo maanta xoogga la saarayo arrimo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed, amniga iyo dhameystirka Dastuurka Soomaaliya.
Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka qeybgalaya madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan shirka ka qeybgalin.
Madaxda ayaa ka doodayo qodobo ay ka mid yihiin:
-
Dhammeystirka Dastuurka KMG ah: Si uu u noqdo dastuur rasmi ah oo sal u ah nidaamka dowladeed ee dalka.
-
Hannaanka Doorashooyinka: In la helo doorasho midaysan, daahfuran, oo heshiis lagu yahay.
-
Sugidda Amniga Qaranka: Xoojinta iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada si loo sugo amniga, loogana hortago khataraha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee amniga lidka ku ah.
-
Xoojinta Nidaamka Federaalka: Kala qeybinta awoodaha, wadaagga khayraadka iyo hagaajinta xiriirka hay’adaha dowliga ah.
Shirka ayaa lagu wadaa inuu socdo ilaa laga gaaro heshiisyo rasmi ah oo ka tarjumaya danaha guud ee dalka.