Shirka u dhexeeya Farmaajo, madaxda Jubbaland iyo Puntland oo goordhaw billaaban doona

Iyadooo shalay ay Muqdisho soo gaareen Madaxda Jubbland iyo Puntland ayaa waxaa la filayaa in maanta uu billowdo shir u dhexeeya Madaxweyne maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Shalay muqdisho kasoo degay.

Tan iyo xalay ayaa la sheegay in ay socdeen shirar gooni gooni ah oo mas’uuliyiintu ay ku lahaayeen Muqdisho, waxaana la filayaa in uu billawdo shirka tooska ah ee u billaabanaya Madaxda Muqdisho ku ballamay.

Maxamed cabdullaahi Maaxmed Farmaajo Madaxweyne Dowladda Federaalka Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Deni,  Axmed Maaxmed Islaam Axmed Madoobe iyo Safiirka Marakanka aya goordhaw la filayaa in si rasmi ah uu u billawdo shir u dhexeeya.

Madaxda Maamul Gobleedyada Jubbland iyo Puntland ayaa sheegay in doonayan cid garwadeen ka noqota wax walba oo ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo labada mas’uul, waxaana wararku sheegayaan in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya in uu garwadeen ka noqon doono waxyaabaha ay mas’uuliyiintu ay ku hesheeyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media