Shirka Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo Maanta furmaya

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah uu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa Soomaaliya.

Inta uu socdo Shirka Madaxda ayaa waxaa lagu saxiixi doonaa heshiiskii Guddiga Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo, iyadoona shirka uu socon doono laba maalmood, sida ay shaacisay Madaxtooyada.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoona ka qeyb galaya Shirka, waxaana Mareykanka uu ku amray in aysan Caasimadda ka tegi karin ilaa heshiis laga gaaro doorashada.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in aysan jirin Cid kusoo wargelisay Shirka Maanta furmaya, isla markaana baraha Bulshada ay ka arkeen oo kaliya Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada oo Farmaajo shir ku Iclaamiyay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ugu xiray ka qeyb galka shirar looga hadlayay khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa, waxaana xusid mudan in saddex jeer uu baaqay shirar uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor