Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horeysay Maanta ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Tallaado waxaa lagu in markii ugu horeeysay uu ka furmayo Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya,kaasi horey loogu qaban jiray dalalka Yurub.

Shirkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah,isla markaana waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Shirka inta uu socodo ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo qeyb ay yihiin Arrimaha Bulshada,Dhaqaalaha,Amniga,Siyaasadda Cadaalada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya,kaasi oo markiisi ugu horeysay lagu qabanayo magaalada Muqdisho,iyadoo horey loogu qaban jiray dalalka Yurub.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media