Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta looga hadlay Arrimo dhowr ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu wehlinaayay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa Maanta shir guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee todobaadlaha ah.

Shirkaan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo kamid yihiin Amniga guud, Xaalada Abaaraha, Dibu-eegista Mashruuca JPLG ee degmooyinka, Hirgelinta Hanaanka Qiimaynta .

Sidoo kale inta uu socday Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga arrinsaday dabagalka (PEMIS),  iyo Xaalada dadka Nugul Caruurta, Haweenka iyo Naafada ee saameynta ku yeelatay abaarta baahsan ee xiligaan ka jirta deegaanada Maamulka.

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shirka looga dhageystay Warbixin ku aadan xaaladda amni ee deegaanada Maamulka, sidoo kalena waxaa Warbixino laga dhageystay Wasiiro kale oo kulanka ka qeyb galay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wasiirada faray inay dardar-geliyaan howlaha muhiimka u ah Maamulka oo ay ugu horreeyaan Xaalada Abaaraha, Dibu-eegista Mashruuca JPLG ee degmooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor