Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doona shirka Golaha Wadashiga Qaran, kaasi oo u dhexeya Madaxda Dowladda dhexe ugu sarreysa, Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa la filayaa inuu furmo galinka dambe ee Maanta, waxaana hadda socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ku aaddan qaban-qaaabda shirka.

Muqdisho waxaa soo gaaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed madoobe.

Shirka Golaha Wadashiga qaran ee Saacadaha soo aaddan ka furmaya Muqdisho ayaa ka xasaasi-san shirarkii hore ee Golaha, waxaana markaan si gaar ah diiradda loogu saari doonaa dagaalada ka dhanka ah AL-Shabaab ee sida dardarta leh uga socda Gobolada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor