Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay in uu qabsoomo 22-ka Juun 2025, ayaa dib loo dhigay, iyadoo la tixgelinayo diyaar-garowga iyo muhiimadda toddobaadka Xorriyadda.
Bayaan ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in:
“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha Allah.”
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimaha dhameystirka dastuurka, qorshaha doorashooyinka heer qaran iyo heer deegaan, iyo wadatashiyo siyaasadeed oo salka ku haya aayaha dalka.
Ka Qaybgalka Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Mugdi Ku Jira
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin liiska madaxda ka qeybgaleysa, haddana weli lama caddeyn in madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka mid noqon doonaan shirka, taas oo sii kordhin karta su’aalaha laga qabo midnimada mowqifka siyaasadeed ee heer dowlad-goboleed.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xasaasi ah oo go’aanno muhiim ah looga gaari doono hannaanka siyaasadeed iyo dastuuri ee dalka.