Shirka Golaha amniga Jubbaland oo looga hadlay Arrimo kala duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay sidii loo balaadhin lahaa xarunta wadaaga xogta taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta cadowga si looga hortago falalka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media