Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Madaxtooyada, oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo u dhexeeya  Madaxda Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagus aari doonaa qodobbo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya Shirkaaan, waxaana qayb ka ah sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre iyo RW ku Xigeenka Dalka Saalax Jaaamac.

Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor