Shir xasaasi ah oo Gaalkacyo uga furmay Galmudug iyo Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor ayaa hadda si wadajir ah uga qeybgalaya  Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlaya Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhinac kasta.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlaya guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ee labada dhinac ee Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media