Shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda oo Maanta ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qodob muhiim ah oo katirsan dastuurka.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ugu horeeyn waxaa shirka ujeedadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr isaga oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka ee ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka maaliyadda u leeyahay dhameeytirka dastuurka.

“Hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka waxa uu kamid yahay qodobada maasiriga ah ee u baahan in aragti la yeesho si dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay uga wada shaqeeyaan arrimaha maaliyadda, si taa lamid ah xulashada nooca hannaanka maaliyadda waxa uu kaalin weyn ka qaadanayaa dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Ugu damabyn, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xulashooyin ku saabsan hannaanka maaliyadda ee nidamaka federaalka waxaana labada cisho ee uu kulanku socodo lagu falanqeeyn doonaa xulashooyinka ay soo bandhigeyso wasaaradda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media