Shir ay Soomaaliya Qeyb ka tahay oo Maanta ka furmaya dalka Koonfur Afrika

Maanta ayaa lagu wadaa in dalka koonfur Afrika uu ka furmo shirka Baarlmaanada Wadamada Qaarada Afrika kaas oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa,qodobo ay ka mid yihiin siyaasadaha la iskugu soo dhaweyn karo Dhalinyarada Qaarada Afrika,iyo sidii Shaqa Abuur loogu sameyn lahaa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu shirkan Muhiim u yahay.islamarkaana ay ku soo bandhigi doonaan qodobo mihiim ah.

Kulanka ayaa la filayaa in Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ka jeediyo khudbad Xasaasi ah uu uu kaga hadli doono arimo dhowr ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media