Shir ay ka Qeyb Galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Ka dhacaya Muqdisho

Waxaa gelinka danbe maanta oo jimco ah la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir gaar ah oo ay ka qeyb galayaa madaxda maamul goboleedyada hoosyiymaada dowladda dhexe ee federaalka, waxaana madaxda dowladdu ay dhawaan u yeeratay madaxda maamulada, iyadoo shalay muqdisho uu so gaaray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, garoonkana uu ku soo dhaweeyey wasiirka arimaha gudaha ee Juxa.

Sida la shaaciyey u jeedka masuulyiintaas loogu yeeray Muqdisho ayaa ah in la’iska wareysto qorshaha looga qeyb galayo shirka lafilayo bisha soo socoto inuu ka furmo magaalada London, kuna saabsan arimaha Soomaaliya.

Sidokale Waxaa maanta la filayaa in muqdisho ay soo gaaraan madaxda kale ee dowlad goboleedyada, si wada tashi guud looga sameeyo qorshaha shirka London, waxaana muqdisho waxyar kadib ku soo wajahan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan, iyo ku simaha madaxweynaha Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, iyadoo madaxweynihii ugu horeeyey ee maamul goboleedyada ee yimaad Muqdisho uu noqday madaxweynaha Puntland Gaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media