Shil khasaaro geystay oo Maanta ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Raage-ceelle ayaa waxaa ay ku warramayaan in halkaas Maanta uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro.

Shilkaan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah oo siday Dhuxul farabadan iyo gaari kale oo raaxa ahaa, waxaana gaariga weyn uu ku rogmaday gaariga yar oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Maamulka degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in shilkaas ay ku dhaawacmeen 5 qof oo dadka qaar ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaarkoodna ay qabaan kuwa dhexe, balse aysan jirin dad daran.

Sidoo kale Maamulka degmada ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo lagu kala qaadayo labada gaari ee isku dhacay, waxaana Sawirro laga soo qaaday gaadiidkaas ay muujinayan in gaariga weyn uu si darran ugu dul dhacay gaariga yar.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kuwaasi oo ku yimid siyaabooyin kala duwan.

Comments
Loading...