Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Shil gaari oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Holwadaag ee duleedka Galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Goobjoogayaal ayaa Idaacadda Dalsan waxaa ay u sheegeen in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca Soomaalida u taqaano Carro-gidiska oo waday dhagxaan iyo gaari raaxdo ah oo ku socday xawaare sare.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar aheyd ayaa ku geeriyootay shilka, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalka weyn ee Baladweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Baladweyne iyo dad shacab ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyagoona gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay Shilkaas.

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa marar kala duwan ka dhacay shilal geystay Khasaarooyin, waxaana inta badan shilalkaas ay ku yimideen siyaabo kala duwan.

Comments
Loading...